MUQDISHO (Kaab TV) – Sarkaal sare oo ka tirsanaa Booliska Soomaaliya, Sarreeye Guuto Salaad Maxamed, ayaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho.
Ehelka sarkaalka iyo ilo booliska ayaa xaqiijiyay geerida sarkaalkan.
Ciidamada ammaanka ayaa xiray laba ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah, kuwaas oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen dilka sarkaalkan.
Waxaana haatan socda baaritaan si loo ogaado sababta iyo cidda ka dambeysay falkaasi.
Dilka ayaa ka dhacay degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.
Dilkan ayaa imaanaya xilli ay sare u kacsan tahay xiisadda amni ee ka taagan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, taas oo ka dhalatay muddo kororsiga Xasan Sheekh Maxamuud oo waqtigiisa madaxtinnimada ku ekaa 15 May.
Beryihii u dambeeyay waxaa jiray maleeshiyaad taabacsan dhanka Xasan Sheekh iyo qaar taabacsan dhanka mucaaradka oo so weyn loogu soo daadgureeyay magaalada.
Waxaa sidoo kale jiray hub si isdaba joog ah ugu soo qulqulayaay magaalada, kaas oo badankiisa la sheegay inay keeneen diyaarado ka yimid dalka Turkiga oo lagu eedeynaayo inay si gaar ah ula safan yihiin Xasan Sheekh Maxamuud.

