Baydhabo (Kaab TV) –Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa goordhow ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo, waxaana si rasmi ah loogu doortay Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Aadan Madoobe ayaa tartanka doorashada galay isaga oo aan iska casilin xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana uu la loolamay musharrax Cabdicasiis Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), oo ah guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Natiijada kama dambaysta ah ee doorashada ayaa muujisay guul ballaaran oo uu gaaray Aadan Madoobe, kaas oo helay 88 cod, halka musharraxa la tartamayay uu helay hal cod oo keliya. Sidaas darteed, Aadan Madoobe ayaa noqonaya Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed, isagoo xilka kala wareegaya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Guusha Aadan Madoobe ayaa ahayd mid si weyn loo saadaalinayay, maadaama uu taageero xooggan ka haystay Villa Somalia, oo saameyn muuqata ku leh siyaasadda Koonfur Galbeed. Sidoo kale, fursaddiisa ayaa sii xoogaysatay kadib markii madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo loo arkayay musharraxa keliya ee si dhab ah ula tartami karay, uu ka baxay tartanka isaga oo qaadacay habraaca doorashada.
Doorashadan ayaa ku soo beegantay xilli siyaasadda Soomaaliya ay wajahaysay marxalad xasaasi ah, iyadoo xoogagga mucaaradka ay horay u muujiyeen diidmo ku aaddan qaabka loo maareeyay doorashada Koonfur Galbeed.
Dhanka kale, xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan dalka ayaa sii xoogaysanaya, iyadoo weli uu jiro khilaaf ku saabsan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka heer federaal iyo kuwa dowlad-goboleedyada, kuwaas oo ay mucaaradku ku eedeeyeen dowladda federaalka inay si gaar ah u maamuleyso.

