Hargeysa (Kaab TV) –Somaliland ayaa sheegtay inay xaq buuxa u leedahay inay doorato dalalka iyo dhinacyada ay xiriirka la yeelanayso, iyadoo sheegtay in cadaadisyada uga yimaada Shiinaha iyo Soomaaliya anay waxba ka beddelin xidhiidhka ay la leedahay Taiwan, sida ay Reuters qortay.
Hadalkan waxaa sheegay Wakiilka Somaliland ee Taiwan, Maxamuud Aadan Jaamac Galaal, xilli uu furayay xafiis cusub oo Somaliland ka hirgelisay magaalada Taipei ee Taiwan maanta oo Jimce ah, kaasi oo xadhiga ka jaray Wasiirka Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda Taiwan.
“Waxaan xaq u leenahay inaan dooranno cidda aan xidhiidhka la yeelanayno. Waa go’aan noo gaar ah, sidaas darteedna dadaalladii cadaadiska ahaa ma guulaysan,” ayuu yidhi Galaal oo la hadlayay warfidiyeennada.
Somaliland iyo Taiwan ayaa xafiisyo wakiillo ah ka kala furtay magaalooyinka Hargeysa iyo Taipei sannadkii 2020, iyagoo sii xoojiyay iskaashiga dhinacyada siyaasadda, horumarinta iyo dhaqaalaha.
Galaal ayaa sheegay in dhammaan xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland ay isku mowqif ka yihiin ilaalinta xidhiidhka Taiwan, isla markaana aanay u jilicsanayn cadaadis siyaasadeed oo dibadda kaga yimaadda. Waxa uu sidoo kale sheegay inaanay Somaliland dhawaanahan wax xidhiidh ah la yeelan dowladda China.
Warbixinta Reuters ayaa xustay in Somaliland ay tan iyo 1991-kii si iskeed ah isu maamulaysay kadib markii ay sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya, isla markaana ay ku naallootay xasillooni iyo nabad ka badan inta badan gobollada Soomaaliya.
Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya ayaa hore uga soo horjeesatay xiriirka Somaliland iyo Taiwan, iyadoo sannadkii 2025 mamnuucday in dadka sita baasaboorrada Taiwan ay soo galaan Soomaaliya, inkasta oo ay dib u fasaxday.
Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan, Francois Wu, ayaa sheegay in iskaashiga Somaliland iyo Taiwan uu si weyn u ballaadhay lixdii sano ee la soo dhaafay. “Taiwan iyo Somaliland waa laba bulsho oo astaan u ah dimuqraadiyadda, xorriyadda iyo ku dhaqanka sharciga,” ayuu yidhi Wu.
Reuters waxay sidoo kale sheegtay in Taiwan ay sannadihii u dambeeyay lumisay inta badan xidhiidhadeedii diblomaasiyadeed ee Afrika sababo la xidhiidha dadaallada Shiinaha, iyadoo hadda ay si rasmi ah xidhiidh buuxa ula leedahay oo keliya Eswatini.

