Kenya oo Ciidan cusub usoo diraysa Soomaaliya

|

Kenya (Kaab TV) –Dowladda Kenya ayaa diyaarisay Ciidamo cusub oo qayb ka noqonaya howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM kuwaas oo tababar kusoo dhammaystay xero ciidan oo ku taalla Isiolo si ay u xoojiyaan ciidanka KDF ee jooga Soomaaliya tan iyo sannadkii 2011.

Boqolaal askari oo katirsan ciidanka Kenya ayaa loo tababaray shaqada nabad ilaalinta kuwaas oo la filayo in ay Soomaaliya ka howlgallaan sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan ciidanka Difaaca Dalkaas oo la dardaarmay ciidamada iyo saraakiisha hoggaaminaysa.

Taliyaha guud ee Taliska Dhexe, Sarreeye Guud, William Kamoiro ayaa kormeeray isaga oo ciidamada iyo saraakiishooda kula dardaarmay in ay xoogga saaran la howlgalka Ciidamada isugu jira Soomaalida iyo kuwa kale ee AUSSOM ku jira.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamadaan ay baddeli doonnaan ciidamo muddo jooga Soomaaliya kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika, waxaana askartaan cusub la gayn doonnaa qaybo kamid ah Gobolka Jubada Hoose ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamadaan cusub ay qayb ka noqon doonnaan qorshaha la dagaalanka ‘AS’ iyo kahortagga si aysan gudaha dalkeeda ugu gudbin maadaama howlgallo amni ay ka samaynayaan Soomaaliya sida warka loo dhigay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News