Barakac ka socda Baydhabo iyo dhaawac la geeyay isbitaallada ka dib dagaalkii Baydhabo

|

BAYDHABO (Kaab TV) – Magaalada Baydhabo ayaa saaka laga dareemayaa degganaansho kooban kaddib dagaal culus oo xalay dhexmaray ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ee taabacsan madaxweynihii xilka laga tuuray, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyo ciidamada taabacsan maamulka Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), kuwaas oo taageero ka helaya dowladda federaalka Soomaaliya.

Dagaalka oo shalay billowday ayaa xalay ku fiday gudaha magaalada Baydhabo, iyadoo ciidamada taabacsan Laftagareen ay gudaha u galeen magaalada, halkaas oo dagaallo toos ah ay kula galeen ciidamada ka soo horjeeda.

Dadweynaha magaalada ayaa saaka bilaabay inay ka barakacaan xaafadaha bariga Baydhabo, kuwaas oo xalay si weyn u saameeyay dagaalka.

Qoysaska ayaa ka cabsi qaba in dhinacyadu mar kale adeegsadaan hubkii cuslaa ee lagu dagaallamay xalay.

Ilo caafimaad oo la hadlay Kaab TV ayaa sheegay in dhaawacyo, qaarkood xaaladdoodu culus tahay, la geeyay Isbitaalka Level 2 ee Qaramada Midoobay iyo AUSSOM ee ku yaalla gudaha Garoonka Shaati Gaduud.

Sidoo kale, dhaawacyo kale ayaa la dhigay ugu yaraan saddex isbitaal oo gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaalada.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tirada dhimashada iyo dhaawacyada ka dhashay dagaalka, iyadoo labada dhinacba ay ka gaabsadeen inay si rasmi ah u shaaciyaan khasaaraha soo gaaray.

Inkasta oo xaaladda magaalada ay saaka u muuqato mid deggan, haddana shacabka ayaa sheegaya in weli ay jirto cabsi iyo dhiillo colaadeed, iyadoo laga cabsi qabo in mar kale uu dagaal ka dhex qarxo dhinacyada is haya.

Maxamed Xasan, oo ah la-taliyaha Aadan Madoobe, ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamada Laftagareen ay xalay la wareegeen magaalada Baydhabo, hase yeeshee ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Dhanka kale, afhayeenka ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed, Daauud Jirroon, ayaa sheegay in ciidamadoodu ay shalay qaadeen hawlgal ay ku beegsadeen fariisimaha ciidamada ku sugan Baydhabo. Waxa uu sidoo kale beeniyay wararka sheegaya in ciidamadooda laga qabtay maxaabiis intii uu socday dagaalka.

Xiisadda ka taagan Baydhabo ayaa weli sareysa, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalladu dib u qarxaan haddii aan xal degdeg ah loo helin khilaafka siyaasadeed iyo midka militari ee ka dhex aloosan dhinacyada isku haya magaalada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News