Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

|

MUQDISHO (Kaab TV) –Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda loo haysto Sacdiya Bajaaj, oo wajahaysa eedeymo la xiriira kicin dadweyne, iyadoo hadda la sugayo go’aanka kama dambaysta ah ee maxkamadda.

Dhageysiga kiiska oo socday ku dhowaad saddex saacadood ayaa maxkamaddu ku dhegeysatay doodaha Xeer Ilaalinta, wareysiga eedeysanaha Sacdiya Bajaaj iyo difaaca ay soo bandhigeen qareennada u doodaya.

Intii ay Maxkamada G/Banaadir ka socotay dhageysiga dacwada Sacdiya Bajaaj ayuu Gudoomiyaha Maxkamada Saalax Dabaan wax ka weydiiyey dhibaatooyinkii ay la kulantay intii ay ku xirneyd Xabsiga dhexe – Makaroofanka ayaa loo dhiibay waxayna si toos ah u sheegtay wixii ay la kulantay wxaay tiri”. Afar Maalmood cunto la iima keenin Waa rafaaday Waana leygu dhex ihaanaystay Xabsiga Kadib Telefoon ayaa helay waxaana la hadlay mid kamid ay Tv-yada dalka waxaana ka sheegay dhibaatooyinka i heysto & Baahida aan wajaahayo.

Markaas kadib markii muuqaalka la baahiyey waxaa qolkii aan ku xirnaa yimid Taliyihii Xabsiga wuxuuna yiri Hala soo bixiyo Gabadha Idaacadaa ka hadashay Markaas ayaa banaanka lee soo saaray waxaa la iigu xiray Qol Sheela Moorta la dhaho, dharka dhan ayaa leyga bixiyey marka laga reebo Hal saako oo aan watay Kadib waxaa la ii diiday inaan banaanka u baxo oo aan suuli aado, Waxayna danta igu kaliftay inaan qoolkeyga ku xaajo guto”.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Dabaan, ayaa ku dhawaaqay in la soo xiray dhammaan dhageysiyada kiiska, isagoo sheegay in dib laga soo sheegi doono waqtiga rasmiga ah ee lagu dhawaaqayo xukunka iyo go’aanka maxkamadda.

Qareenka difaacaya Sacdiya Bajaaj, Abuukaate Xalane, ayaa sheegay in dhammaan marxaladihii dacwadda la soo afjaray, isla markaana hadda la sugayo go’aanka maxkamadda. Wuxuu ku dooday inaysan jirin caddeymo ama marqaatiyo taageeraya eedeymaha loo jeediyay macmiilkiisa.

“Majiro wax caddeymo ah ama marqaati ah oo loo hayo eedeymaha Sacdiya Bajaaj,” ayuu yiri Abuukaate Xalane.

Dhawaan ayay maxkamaddu dib ugu celisay xeer-ilaalinta dacwadda, iyadoo ka dalbatay inay dhamaystirto ama xoojiso qodobbada iyo caddeymaha la xiriira kiiska.

Sacdiya Bajaaj oo muddo 74 maalmood ah u xirnayd Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar kale ka soo muuqatay Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyadoo la soo afjaray dhammaan dhageysiyadii dacwadda loo haystay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News