Qarax sababay dhaawaca labo qof oo ka dhacay Magaalada Jowhar

|

Jowhar (Kaab TV) -Qarax miino oo sababay dhaawaca labo qof ayaa barqonimadii maanta ka dhacay Kontoroolka Koofureed ee Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka  HirShabeelle.

Labada qof ee dhaawaca soo gaaray ayaa lagu kala sheegay Askari katirsan Ciidamada Ammaanka ee goobta ku sugnaa iyo qof shacab ah oo la tilmaamay in uu goobtaas ka dhawaa.

Ciidamo katirsan Booliiska oo gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa billaabay howlgallo baaritaanno ah oo ay ku raadinayaan Dadka ay ku tuhmayaan qaraxaas.

Duleedka  Magaalada Jowhar waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo loo adeegsaday Miinooyin dhulka la geliyay kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News