Garawe(Kaab TV) -Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal ka billaabay kulamo la xiriira culayska uu ka dareemayo ciidanka Federaalka ee ku sugan deegaannada Puntland .
Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, Siciid Deni ayaa maanta lagu wadaa in uu la kulmo Odoyaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Saraakiisha, Bulshada Rayidka iyo dhinacyo kale si uu ugu bandhigo culayska siyaasadeed uu ka dareemayo ciidanka Federaalka.
Siciid Deni ayaa xubnahaas kala hadlaya sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen xal u helista arrintaan oo sababi karta gacan qaad waa marka la eego hadallada adag ee labada dhinac is dhaafsadeen maalmihii lasoo dhaafay.

