Safiirka Midowga Yurub oo soo gaba-gabeysay muddo-xileedkeedii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya+ Sawirro

|

MUQDISHO (Kaab TV) -Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro oo soo gaba-gabeysay muddo-xileedkeedii diblomaasiyadeed ee dalka.

Kulanka ayaa ku soo beegmay dhammaadka shaqadii Safiirka ee Soomaaliya, iyadoo wasiirka ay booqasho sagootin ah ugu timid ka hor inta aysan macasaalameyn magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wasiir Cabdisalaan ayaa ku ammaanay Safiirka doorkii ay ka qaadatay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyo dadaalladii ay ku bixisay horumarinta iskaashiga labada dhinac muddadii ay xilka haysay.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ugu hambalyeeyay Francesca Di Mauro magacaabisteeda cusub ee Agaasimaha Arrimaha Afrika ee Adeegga Hawlaha Dibadda ee Midowga Yurub (EEAS), isaga oo u rajeeyay guul iyo horumar ay ka gaarto xilkaas.

Dhankiisa, wasiirku wuxuu uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee uu siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, amniga iyo iskaashiga caalamiga ah.

Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta mustaqbalka.

Gaba-gabadii, Wasiir Cabdisalaan ayaa Safiirka uga mahadceliyay muddadii ay ka soo shaqeysay Soomaaliya, wuxuuna u rajeeyay inay guulo ka soo hoyso mas’uuliyadda cusub ee loo igmaday, isaga oo xusay in Soomaaliya ay sii xoojin doonto xiriirka ay la leedahay Midowga Yurub.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News