Hay’adaha gargaarka oo ka digay khataraha El Niño ee Soomaaliya

|

MUQDISHO (Kaab TV) -Hay’adaha gargaarka bini’aadantinimada ayaa ka digaya in isbeddelka cimilada ee El Niño uu toddobaadyada iyo bilaha soo socda sare u qaadi karo halista fatahaado, abaaro, cudurro iyo kulayl daran oo saameyn ku yeesha dalal badan oo ku yaalla Bariga Afrika iyo Aasiya, Soomaaliya ayaana ka mid ah meelaha ugu nugul.

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in dalalka Kenya, Uganda, Soomaaliya, Bangladesh, Pakistan iyo Afghanistan ay yihiin kuwa laga cabsi qabo inay si weyn u saameeyaan cawaaqibta El Niño.

Marka laga hadlayo Soomaaliya, IRC waxay tilmaantay in saadaashii la sameeyay bishii Juun ay muujisay suurtagalnimo gaareysa 60 boqolkiiba oo ah in roobab ka badan heerkii caadiga ahaa ay ka da’aan gobollada koonfureed iyo koonfur-galbeed. Hay’addu waxay sheegtay in xog cusub oo la filayo inay soo baxdo 15-ka Luulyo ay door muhiim ah ka ciyaari doonto qorsheynta howlaha gurmadka iyo maalgelinta loo baahan yahay.

IRC waxay xustay in Soomaaliya ay horey ula daalaa dhacaysay dhibaatooyin isbiirsaday oo ay ka mid yihiin abaarta iyo barakaca, taasoo sababtay in ku dhawaad 4.8 milyan oo qof ay u baahdaan gargaar bini’aadantinimo. Sida ay hay’addu sheegtay, xaaladdaas ayaa laga cabsi qabaa inay sii xumaato haddii fatahaadaha la xiriira El Niño ay dhacaan bilaha soo socda.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in fatahaadihii dhacay sannadkii 2023 ay baabi’iyeen ku dhawaad 13,000 oo tan oo dalagyo ah, isla markaana ay sababeen burbur soo gaaray deegaanno badan. Khubaradu waxay ka digayaan in haddii xaalad la mid ah ay dib u soo noqoto, khasaaraha ka dhalan kara uu noqon karo mid ka sii weyn.

Dhanka kale, IRC waxay sheegtay in roobabka ka da’a dhulka sare ee Itoobiya iyo roobabka xilliga dayrta ay kordhin karaan heerarka biyaha webiyada Soomaaliya, taasoo sare u qaadi karta khatarta fatahaadaha. Waxay sidoo kale ka digtay in biyaha wasakhooba ay horseedi karaan faafitaanka cudurrada ay ka mid yihiin shubanka iyo daacuunka.

Dhinaca kale, Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa iyaduna hore uga digtay in Soomaaliya ay isu diyaariso xilli qallayl ah oo socon kara illaa bisha Oktoobar, ka hor inta aan la gaarin xilliga roobabka dayrta ee Oktoobar ilaa Diseembar, kuwaas oo la filayo inay saameyn ku yeeshaan isbeddellada cimilada ee El Niño.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News