Puntland oo Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ku Wareejisay eedeysane dil loo Haysto

|

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, G/Sare Maxamuud Muuse Bille Fardafuul, ayaa ku wareejiyay Taliyaha Komishinka Gobolka Doolo, G/dhexe Cabdullaahi Ibraahim Maxamuud, eedeysane lagu magacaabo Xidig Siciid Sheekh Xirsi, kaas oo lagu eedeeyay inuu dil ka geystay deegaanka Soomaalida Itoobiya 8-dii Oktoobar 2018-kii.

Eedeysanaha ayaa lagu eedeeyay dilka marxuum Cabdi Maxamuud Wayrax, waxaana ciidamada Dowladda Puntland ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan, kadibna ay ku wareejiyaan dhinaca ay khusayso.

GeographicReference

 

Munaasabadda wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Kusimaha Taliyaha Saldhigga Degmada Galdogob, X/Le C/raxmaan Yaasiin Xasan (Qoodaar).

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News