Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa mar kale ku adkeeyey in gobolka Sool uu ka tirsan yahay Somaliland, isagoo ugu baaqay in bulshada Sool la soo dhoweeyo isla markaana cabashooyinka lagu xalliyo wadahadal iyo heshiis.
Madaxweynaha Somaliland ayaa hadalkan ka jeediyey shalay oo Arbaca aheed dhammaadka kalfadhigii 69aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland.

