Ciidamadii PSF ee ku sugnaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa isaga baxay xiradii ay kaga sugnaayeen magaalada Boosaaso.
Sida ay xaqiijiyeen Dad goobjoogeyaal oo ku sugan magaalada Boosaaso, Saldhigii PSF ay ku sugneyd in ka badan 20 sano ayaa waxaa la wareegay Ciidamada Difaaca Maamulka Puntland.
Tillaabadaan ayaa timid wada hadallo saacadihii la soo dhaafay socday oo la xiriiray sidii looga fogaan lahaa dagaal ka dhaca magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Ciidamada PSF oo si rasmi ah u hoos yimaada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay la kulmayay culeysyo kaga imaanayay Maamulka Puntland oo uu khilaaf kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya .
Xarruumihii ay Puntland kaga sugnaayeen Ciidamada PSF sida Gaalkacyo iyo Boosaas ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay la wareegay Ciidamada Maamulka Puntland.
ka bixitaan Ciidamada PSF magaalada Boosaaso ayaa loo sababeeyay in ay tahay mid istiraaji ka dib markii Dagaal culus oo shalay ka dhacay magaalada Gaalkaco sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo wararka ay sheegayaan in dad rayid ah ay sidoo kale waxyeello kasoo gaartay madaafiic iyo rasaas ku dhacday xaafadihii ay Daganaayeen waxaana Dagaalkaas u dhaxeyaya Ciidamada PSF oo si rasmi ah u hoos yimaada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Maamulka Puntland.
Deegaanno ka tirsan Puntland oo ay ka mid tahay caasimadda Garoowe ayaa waxaa ku sugan ciidamo sheegta in ay ka tirsan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya.

