Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abuukaate), ayaa maanta oo Khamiis ah, 13 Agoosto 2026, ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay.
Maxamuud Cabdullaahi Axmed ayaa warqad uu u diray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku sheegay inuu si rasmi ah uga tanaasulay xilka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
Warqadda is-casilaadda oo ku taariikhaysan 13-ka Agoosto 2026, Abuukaate wuxuu sheegay inuu go’aankaas qaatay kadib markii uu ka fiirsaday mas’uuliyadda iyo xilka uu hayay.
“Maanta oo taariikhdu tahay 13 Agoosto 2026, waxaan si rasmi ah isu casilay xilka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Wasiir ku-xigeenku ma uusan warqaddiisa ku caddeyn sabab gaar ah oo ku kaliftay inuu xilka iska casilo, isagoo uga mahadceliyay madaxda dowladda fursaddii loo siiyay inuu u adeego shacabka Soomaaliyeed.
Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abuukaate) ayaa muddo ka tirsanaa hoggaanka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, isagoo ka qayb qaatay kulamo iyo hawlo la xiriira horumarinta ganacsiga iyo xiriirka dowladda iyo ganacsatada.

