Maxkamadda Sare oo go’aan ka soo saartay doorashooyinkii lagu Muransanaa ee Galmudug

|

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa maanta go’aan cuus ka soo saartay doorashooyinkii  ee  isku sidkanaa Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee dhawaan ka dhacay Dowlad-goboleedka Galmudug, kuwaas oo dhaliyay muran soo kala dhex-galay ururradii ka qayb-galay iyo guddiga madaxa-bannaan doorashooyinka iyo soohdimaha ee lagu muransanyahay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed ayaa ku dhowaaqay in maxkamaddu ay baabi’isay natiijada doorashooyinkaas, isaga oo shaaca ka qaaday in aan loo maamulin, loona qaban si waafaqsan dastuurka iyo sharciga doorashooyinka dalka.

“Maxkamaddu waxya go’aamisay in doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golaha wakiilada iyo Goleyaasha Deegaanka ee 30-kii Luulyo ka dhacay Dowlad-goboleedka Galmudug aan loo maamulin, loona qaban si waafaqsan dastuurka iyo sharciga doorashooyinka dalka, sidaas darteedna ay tahay natiijadeeda mid aan sax ahayn oo waxba kama jiraan ah” ayuu yiri Guddoomiye Baashe.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in maxkamaddu ogaatay in khaladaadkii dhacay ay dhaawac weyn u geysteen hufnaanta doorashada, taas oo saameysay natiijadeeda, isla markaana laga soo qaaday waxba kama jiraan.

“Waxaa kale oo maxkamadda go’aamisay in khaladaadkii dhacay ay ahaayeen kuwa aan la sixi karin, isla markaana dhaawac wayn u gaystay hufnaanta xornimada iyo xalaalnimada doorashooyinka saameyn tabana ku yeeshay natiijadooda,” ayuu sii raaciyay guddoomiyuhu.

Dhanka kale, Maxkamadda Sare ee dalka waxay amartay guddiga doorashada lagu muransahay in uu dib ugu noqdo doorashooyinka isku sidkan ee Galmudug, isaga oo ku qabanayo waqtiga ugu dhow ee macquulka ah.

DHEERAAD:  Baarlamaanka Puntland oo maanta si rasmi ah ufuray dood ku saabsan dastuurka Puntland

Waxaa kale oo ay Maxkamadda sheegtay in inta lagu guda jiro diyaarinta iyo qabashada doorashada cusub ay shaqada sii wadayaan hay’adaha hadda ka jira Galmudug, si looga hortago firaaq dastuuri oo uu galo maamulkaasi.

Si kastaba, Go’aankan xasaasiga ah ayaa saameyn weyn ku yeelan kara xaaladda siyaasadeed ee Galmudug iyo guud ahaan dalka, taas oo uga sii dareysa xaaladda cakiran ee ka dhalatay marxaladda kala guurka ee lagu jiro.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News