Rag hubeysan oo xiray garoonka diyaaradaha ee Jalalaqsi

|

Garoonka magaalada Jalalaqsi waxaa xiray dabley hubeysan, kuwaas oo si buuxda ula wareegay garoonka.

Waxaa la filayay in maanta magaalada ay tagaan xubno ka tirsan xisbiga JSB, kuwaas oo halkaas ka bilaabi lahaa olole lagu taageerayo musharraxa Hirshabeelle, Cali Guudlaawe.

Hase yeeshee, qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa kasoo horjeeda doorashada, waxaana magaalada ka socday dhaqdhaqaaqyo looga soo horjeedo doorashada.

Shalay waxaa magaalada Beledweyne gaaray xubno kasoo horjeeda doorashada, waxaana ugu horreeyay Ugaaska beesha Xawaadle iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News