Waxgaradka Xawaadle oo sheegay in masuuliyiinta Hirshabeelle aysan ka soo degi karin garoomada Hiiraan

|

Nabadoonno iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa maanta oo Talaado ah magaalada Beledweyne kaga dhawaaqay mowqif ku saabsan garoomada diyaaradaha ee ku yaalla gobolka Hiiraan, iyagoo sheegay in masuuliyiin ka socda maamulka Hirshabeelle aysan ka soo degi karin garoomada gobolka illaa laga xallinayo tabashooyinka ay ka qabaan maamulka Hirshabeelle.

Nabadoonnada iyo waxgaradka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in mowqifkoodu uusan ahayn diidmo dowladeed, balse uu salka ku hayo tabashooyin ay sheegeen inay muddo dheer ka qabeen habka loo maamulayo Hirshabeelle iyo sida gobolka Hiiraan loogu metelo maamulkaas.

“Annagu dowlad diid ma nihin, cidna ma dulmanayno, mana rabno in nala dulmiyo. Waxa Hirshabeelle ka socda garoonkan kama soo degi karaan,” ayay yiraahdeen nabadoonnada.

Waxay sheegeen in garoomada gobolka Hiiraan ay u furan yihiin shacabka iyo duulimaadyada caadiga ah, balse ay ka reebayaan diyaaradaha iyo wafdiyada ay xiriirinayaan maamulka Hirshabeelle.

Nabadoonnadu waxay si gaar ah uga digeen in diyaarado militari iyo wafdiyo lala xiriirinayo Hirshabeelle laga soo dejiyo garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne, iyagoo sheegay in arrintaasi ay keeni karto xiisad hor leh haddii aan marka hore laga heshiin tabashooyinka ay qabaan.

Nabadoon Cabdi Muumin Guuleed, oo ka mid ah nabadoonnada beesha Xawaadle, ayaa sheegay in dadka reer Hiiraan ay xaq u leeyihiin inay ka tashadaan danahooda siyaasadeed iyo mustaqbalka maamulka gobolka.

Cabdi Muumin ayaa ku baaqay in tabashooyinka ay qabaan lala fariisto, lagana wada hadlo si xal siyaasadeed loogu helo khilaafaadka jira.

DHEERAAD:  Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya isagoo kala hadlay amniga iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Wuxuu dhaliilay hoggaankii hore iyo kan hadda ee Hirshabeelle, isagoo sheegay in beesha Xawaadle aysan ku qanacsanayn awood-qeybsiga siyaasadeed ee maamulka Hirshabeelle.

“Waxbaan tabanaynaa, tabasho weyn ayaan qabnaa. Dowladda Federaalka ayaan tabasho ka qabnaa, Hirshabeelle ayaan tabasho ka qabnaa. Tabasho Soomaalinimo ayaan qabnaa. Hanna lala hadlo, xaqa naga maqan ee aan sheeganayno Soomaali ayaan ku leenahay,” ayuu yiri Nabadoon Cabdi Muumin Guuleed.

Nabadoonnada ayaa sidoo kale ka digay in gobolka Hiiraan lagu qabto doorasho dadban ama sanduuqyo doorasho la geeyo, iyada oo aan marka hore laga gaarin heshiis siyaasadeed oo ku saabsan tabashooyinka ay soo bandhigeen.

Waxay ku adkeysteen in mowqifkoodu uusan ahayn inay ka hor yimaadaan shacabka ama dowladda, balse ay doonayaan in laga wada hadlo xuquuqda, matalaadda siyaasadeed iyo saamiga ay sheegeen inuu gobolka Hiiraan ku leeyahay maamulka Hirshabeelle.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay gobolka Hiiraan ka jiraan doodo siyaasadeed oo la xiriira maamulka Hirshabeelle, awood-qeybsiga iyo mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka.

Nabadoonnada Xawaadle ayaa sheegay in xal waara lagu gaari karo oo keliya wada-hadal iyo is-faham, iyagoo ku baaqay in dhinacyada ay khusayso arrintan ay miiska wada-hadalka isugu yimaadaan, si loo xalliyo tabashooyinka ay sheegeen inay muddo dheer taagnaayeen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News