Sagal Abdi-Wali oo Ku Guuleysatay Kursiga Holborn and St Pancras ee Baarlamaanka Ingiriiska

|

Sagal Abdi-Wali, oo asal ahaan Soomaali ah kana tirsan Xisbiga Shaqaalaha Ingiriiska (Labour Party), ayaa ku guuleysatay kursiga baarlamaanka ee deegaanka Holborn and St Pancras, kaddib doorasho ku-celis ah oo ka dhacday dalka Ingiriiska.

Sagal ayaa heshay 12,292 cod, iyadoo ka guuleysatay Zack Polanski oo ka socday Xisbiga Cagaaran (Green Party), kaas oo helay 8,928 cod. Guusheeda ayaa u sahleysay inay la wareegto kursigii uu horay u haystay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ingiriiska, Keir Starmer.

Sagal Abdi-Wali ayaa horay uga soo shaqeysay siyaasadda heerka deegaanka, iyadoo hoggaaminaysay Golaha Deegaanka Camden. Waxay sidoo kale caan ku noqotay dadaallada la xiriira adeegyada bulshada iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka guryaha.

Doorashadan ayaa timid kaddib markii Keir Starmer uu banneeyay kursiga Holborn and St Pancras, taas oo keentay in la qabto doorasho ku-celis ah si loo doorto xildhibaanka cusub ee deegaanka matalaya.

Guusha Sagal ayaa dareen gaar ah ka dhalisay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Ingiriiska iyo dalalka kale, maadaama ay ka mid tahay dadka asal ahaan Soomaaliyeed ee ka qaybgalaya siyaasadda iyo hoggaanka dalalka ay deggan yihiin.

Sagal ayaa ololaheeda ku muujisay muhiimadda wax ka qabashada hoy la’aanta, helitaanka guryo ku habboon qoysaska iyo hagaajinta adeegyada dadweynaha. Waxaa la filayaa inay arrimahaas qayb ka noqdaan shaqadeeda baarlamaanka.

Guushan ayaa sidoo kale kusoo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan dadka asal ahaan ka soo jeeda bulshooyinka qaxootiga ah ee ka qaybqaata siyaasadda Ingiriiska, iyagoo u tartamaya xilal kala duwan oo heer deegaan iyo heer qaran ah.

DHEERAAD:  Puntland oo sheegtay inay 10 xubnood oo Daacish ah ku dishay dagaal ka dhacay aagga Togga Miiraale

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News