Ciidamada Uganda oo rasaas iyo duqeymo culus ka wada Shabeellaha Hoose

|

Ciidamada Uganda oo duqeymo culus ka wada Shabeellaha Hoose, qof shacab ah oo ku dhaawacmay Golweyn iyo cabsi laga qabo miinooyin

Xaalad amni oo kacsan ayaa saaka laga soo sheegayaa qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM ay wadaan dhaqdhaqaaqyo militari, rasaas xooggan iyo duqeymo isugu jira kuwa dhulka iyo cirka ah.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada Uganda ay saaka ilaa saacadaha dambe ee maanta wadeen rasaas aan kala joogsi lahayn iyo duqeymo culus, kuwaas oo laga maqlayay deegaanno kala duwan oo gobolka ka tirsan.

Deegaanka Golweyn ayaa ka mid ah goobaha ay saameeyeen dhaqdhaqaaqyadaasi, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in qof shacab ah uu halkaasi ku dhaawacmay kadib markii ay ku dhacday xabbad wiifto ah.

Ilaa hadda faahfaahin dheeraad ah lagama hayo xaaladda caafimaad ee qofka dhaawacmay, iyadoo dadka deegaanka ay walaac ka muujinayaan saameynta ay rasaasta iyo duqeymaha militari ku yeelan karaan dadka rayidka ah.

Dhanka kale, xogaha laga helayo gobolka ayaa sheegaya in ciidamada Uganda ee kasoo baxay dhanka magaalada Baraawe ay weli ku jiraan safarkooda, iyagoo gaaray bannaanka magaalada, halkaas oo ay hadda ku sugan yihiin.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay la kulmayaan caqabado amni oo la xiriira miinooyin lagu aasay waddooyinka ay marayaan, kuwaas oo la tuhunsan yahay inay qeyb ka yihiin xeeladaha ay dagaalyahannada Al-Shabaab ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan dhaq-dhaqaaqa ciidamada.

DHEERAAD:  Turkiga iyo Jabuuti oo heshiis kala saxiixday kaddib Heshiiskii Soomaaliya

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in mararka qaar ay dhacayaan qaraxyo miinooyin ah, taas oo sii adkeynaysa safarka ciidamada iyo isku-socodka waddooyinka ay isticmaalayaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in rasaasta xooggan ee ay ridayaan ciidamada ay saameyn ku yeelanayso guryaha shacabka, iyadoo ay jiraan cabsi laga qabo in xabbadaha iyo madaafiicdu ay ku dhacaan goobaha ay dadku deggan yihiin.

Dadka rayidka ah ayaa wajahaya xaalad adag, maadaama dhaqdhaqaaqyada militari, qaraxyada miinooyinka iyo duqeymaha ay ku soo aadayaan xilli ay ku nool yihiin deegaanno ay ka jiraan iska horimaadyo iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Arrintan ayaa mar kale dhalinaysa walaac ku saabsan badbaadada shacabka ku nool Shabeellaha Hoose, gaar ahaan dadka ku nool deegaannada ay maraan kolonyada ciidamada iyo goobaha ay ka socdaan howlgalada militari.

Dhaqdhaqaaqyada cusub ayaa kusoo aadaya iyadoo gobolka Shabeellaha Hoose uu yahay goob muhiim u ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, halkaas oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Uganda ay ka wadaan howlgallo amni.

Waddooyinka isku xira Baraawe, Shalambood, Qoryooley iyo deegaannada kale ee gobolka ayaa leh muhiimad militari iyo mid ganacsi, waxaana amnigooda uu saameyn toos ah ku leeyahay isu-socodka dadka iyo gaadiidka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News