Dowladaha Mareykanka iyo Qatar ayaa wada-hadallo ku saabsan xaaladda Soomaaliya ku yeeshay magaalada Washington, iyaga oo arrimaha dalka ka mid dhigay ajandaha kulankoodii siddeedaad ee istaraatiijiga ahaa oo dhacay 23-kii Nofeembar 2026.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, iyo Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan Al Thani, ayaa shir-guddoomiyay kulanka oo ay ka qaybgaleen saraakiil sare oo ka kala socday labada dowladood.
War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Washington iyo Dooxa ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka mid ahayd dalalka ay labada dhinac ka wada hadleen, xilli dalka uu wajahayo caqabado siyaasadeed iyo amni.
Kulanka waxaa sidoo kale lagu soo qaaday xaaladaha Gaza, Iiraan, Suuriya, Lubnaan, Afgaanistaan, gobolka Saaxil iyo Rwanda, iyadoo labada dowladood ay adkeeyeen muhiimadda iskaashiga diblomaasiyadeed ee wax looga qabanayo caqabadaha amni iyo kuwa siyaasadeed ee ka jira dunida.
Si kastaba ha ahaatee, war-saxaafadeedka laguma faahfaahin mowqifka gaarka ah ee Mareykanka iyo Qatar ka qaateen xaaladda Soomaaliya, mana lagu xusin tallaabooyin gaar ah oo ay labada dowladood qorsheynayaan inay ka qaadaan arrimaha dalka.
Xusitaanka Soomaaliya ee kulankan ayaa imanaya xilli ay dalka ka jiraan dooddo siyaasadeed oo la xiriira arrimaha doorashooyinka, xiriirka dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada, iyo xaaladda amniga.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Mareykanka iyo Qatar ku xoojinayaan xiriirkooda istaraatiijiga ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca, la-dagaallanka argagixisada iyo iskaashiga gobolka.

