Amni iyo carqalad shaqo oo sabab u noqday xiritaanka Dugsiga Duulista Muqdisho

|

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa amartay in la xiro Dugsiga Tababarka Duulista (Aviation Academy) oo ku dhex yaalla garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo go’aanka ku sababaysay arrimo la xiriira amniga garoonka iyo carqalad ku timaadda hawlaha duulista.

Warqad rasmi ah oo uu 24-kii Nofeembar 2026 soo saaray Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka, Axmed Macallin Xasan, ayaa lagu wargeliyey hay’adaha amniga, booliiska, socdaalka iyo maamulka garoonka in la fuliyo xiritaanka dugsiga, lana hakiyo dhammaan hawlihiisa ilaa xal kale laga gaarayo.

Hay’addu waxay sheegtay in dugsiga markii hore loo aasaasay horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha rayidka ah ee ka shaqeeya waaxyaha kala duwan ee duulista. Hase yeeshee, sida lagu sheegay warqadda, goobta uu ku yaallo ayaa wadaagta xarumo muhiim u ah hawlaha maalinlaha ah ee garoonka, taas oo keentay in dhaqdhaqaaqa ardayda uu saameeyo shaqada shaqaalaha kale.

Sida ku cad warqadda, garoonka Aadan Cadde wuxuu shaqeeyaa 24-ka saac, waxaana shaqaalaha qaarkood ay ku shaqeeyaan hab wareeg ah oo subax, galab iyo habeen ah. Hay’addu waxay sheegtay in imaanshaha ardayda subaxdii uu carqalad ku yahay nasashada shaqaalaha habeenkii shaqeeyey, kuwaas oo u baahan waqti ay ku nastaan ka hor inta aysan dib ugu laaban shaqada.

Waxaa intaas dheer, hay’addu waxay tilmaantay in dhaqdhaqaaqa ardayda iyo shaqaalaha dugsiga, gaar ahaan xilliga galabtii oo ku beegan 2:15, uu saameyn ku yeesho xarumaha laga maamulo hagista diyaaradaha iyo isgaarsiinta duulista. Labadan adeeg ayaa muhiim u ah badqabka diyaaradaha iyo habsami u socodka duulimaadyada.

DHEERAAD:  Safiirka Isra'iil ufadhiya Imaaraadka Carabta oo wajahaya ceeb iyo fadeexad culus

Go’aanka xiritaanka ayaa sidoo kale lagu amray hay’adaha amniga, maamulka garoonka iyo booliiska inay iska kaashadaan fulintiisa. Hay’adda Duulista Rayidka ayaa codsatay in Booliiska Soomaaliyeed iyo NISA ay gacan ka geystaan sugidda amniga xarunta iyo goobaha ay ka socdaan hawlaha duulista.

Xiritaanka dugsigan ayaa su’aalo ka dhalin kara mustaqbalka tababarka iyo horumarinta xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya duulista rayidka, maadaama xarunta markii hore loo aasaasay in lagu kobciyo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha waaxdan.

Hay’addu weli ma shaacin goob kale oo dugsiga loo wareejinayo ama muddada uu xirnaanayo, iyadoo warqaddu tilmaamayso in hawlaha la hakiyo inta xal kale laga helayo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News