Safiirka Somaliland ee Israa’iil oo sheegay in Xasan Sheekh hore xiriir ula yeeshay Israa’iil

|

Safiirka Somaliland u fadhiya Israa’iil, Dr. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud oo loo yaqaan Mohamed Hagi, ayaa eedeymo siyaasadeed u jeediyey Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku andacooday in Madaxweynaha uu hore xiriir iyo wada-hadallo ula yeeshay dowladda Israa’iil xilliyo kala duwan.

Safiirka ayaa arrintan kaga hadlay wareysi uu siiyey wariye Australian ah oo lagu magacaabo Ibrahim Baafo, kaas oo diiradda lagu saaray xiriirka Somaliland iyo Israa’iil, iskaashiga Somaliland iyo Imaaraadka Carabta iyo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi.

Mohamed Hagi ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu xog badan ka hayo xiriirka iyo iskaashiga Somaliland la leedahay Imaaraadka Carabta, isaga oo ku dooday in arrimahaasi ay qayb ka yihiin sababihii keenay in dowladda Soomaaliya ay xiriirka u jarto Imaaraadka.

Qodobka ugu weyn ee wareysiga ayaa ahaa sheegashada safiirka ee ah in Xasan Sheekh Maxamuud uu hore booqasho ku tagay Israa’iil, halkaas oo uu kulammo kula yeeshay masuuliyiin ka tirsan dowladda dalkaas, isla markaana uu doonayey in labada dhinac ay yeeshaan xiriir rasmi ah.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in wada-hadallada uu ku eedeynayo Madaxweynaha Soomaaliya aysan ku koobnayn hal mar, balse ay jireen xiriirro soo socday muddo, oo ay ku jiraan xilligii uu xilka hayey madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo muddada uu Xasan Sheekh hoggaaminayey dowladda Federaalka.

Hase yeeshee, safiirku ma uusan soo bandhigin dukumentiyo ama caddeymo madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashooyinkiisa. Sidoo kale, ma jirto jawaab rasmi ah oo Villa Soomaaliya ka bixisay eedeymahan.

DHEERAAD:  Guddiga joogtada Golaha Shacabka oo kulan ka yeeshay dhacdadii garonka diyaaradaha Muqdisho

Hadallada safiirka ayaa imaanaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kaddib markii dowladda Federaalka ay ku dhawaaqday joojinta heshiisyadii iyo wada-shaqayntii ay la lahayd Abu Dhabi, iyadoo tallaabadaas ku sababaysay walaac la xiriira madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Imaaraadka Carabta ayaa xiriir dhow la leh Somaliland, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo amniga, iyadoo dekedda Berbera ay ka mid tahay mashaariicda ugu muhiimsan ee labada dhinac iska kaashadaan.

Somaliland ayaa dhankeeda ku adkaysanaysa inay xaq u leedahay inay xiriir diblomaasiyadeed la yeelato dalalka caalamka, halka dowladda Federaalka Soomaaliya ay diiddan tahay xiriirka ay Somaliland la samaysatay Israa’iil, iyadoo ku doodaysa in Somaliland ay qayb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Eedeymaha cusub ee safiirka ayaa kusoo kordhiyey xiisadda siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee gobolka, waxaana la sugayaa in Villa Soomaaliya ay jawaab rasmi ah ka bixiso sheegashooyinka la xiriira Madaxweynaha iyo xiriirkii la sheegay inuu la yeeshay Israa’iil.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News