Muqdisho (Kaab TV) – Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay inay baaris ku hayaan qaar kamid ah Shirkadaha Diyaaradaha oo ay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta siisay Arrimaha Xajka oo lacago ka badan tii ay Wasaaraddu u jaangoysay Xajka ka qaaday muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in uu horgaynayo Maxkamad marka baaristu dhamaato.
“ Muwaadinka la waydiisto lacag ka badan kuwa Wasaaraddu jaangoysay haku soo wargaliyo Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa lagu yiri” Qoraalka Xafiiska
Horay ayaa waxaa jirtay in musuq maasuq badan uu kajiro habka loo soo xulay Shirkadaha diyaaradaha ee sanadkan la siiyay daabulida xujeyda Soomaaliyeed ee ka baxaya dalka.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horraanta bishii hore ee May shaacisay in meesha laga saaray musuq-maasuqii adeegga Xajka, islamarkaana qiimihii hore hoos loo dhigay.
Sidoo kale xilligaas dowladdu waxey ku dhawaaqday in xujeyda Soomaaliyeed loo baajiyey lacag ka badan 8 Milyan oo dollar sanadkan, kadib markii meesha laga saaray musuq-maasuqii ka jiray adeegga Xajka, hoosna loo dhigay qiimaha.
Si kastaba, Qiimaha sanadkaan ay dadka Soomaaliya ugu xajinayaan ayaa dhan $4,484, waxaana hoos loo dhigay lacagihii awal xujeyda laga qaadi jiray oo kor u dhaafayay shan kun oo doollar.

