SO | EN

SO | EN

Xiisad ka Taagan degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelada Dhexe

|

Warsheekh (Kaab TV) – Wararka ka imaanaya degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya inay xiisad  ka taagan tahay duleedka Bari

Xiisadan ayaa la sheeğayaa inay ka dhalatay isqab-qabsi la xiriira Dhisme garoon diyaaradeed  oo la doonayo in laga hergeliyo halkaas.

Guddoomiye ku xigeenka Arimaha bulshada ee maamulka Degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe Muxudiin Maxamed Maalin oo  u warramay warbaahinta ayaa xaqiijiyay inay xiisad halkaas ka jirto isagoo  sheegay inay jiraan dad diidan dhismaha Garoonka diyaaradeed ee lagu wado in laga hergeliyo duleedka Ddegmad Warsheekh ee gobolka Shabeelda Dhexe.

Dadka deegaanka yaa sheegaya in ey kahortagayaan suurad xumeynta ey bulshada kusameynayaan dadka hadda doonaya in dhulkaas ay kula wareegaan si xaraash ah, si qiimo qaali ah ey dowladdu ugu iibsadaan.

Waxaa lama huraan ah in dowladd Soomaaliya ey hesho garoon diyaaradeed oo kaweyn kan Aadan Cadde sababtoo ah waxaa dhowr mar dhacday in magaalada Muqdisho ey kasoo dagi waayeen diyaarado waaweyn kadib markii ey hawadda kaqiimeyeen.

Sidoo kale dadka ka hadlay arrintan waxaa kamid siyaasiyiin dadka deegaanka kumatesha dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabelle, dhanka kale wexey shirkadaha ganacsiga ugu baaqeen iney kuqasaari doonaan dhaqaalahooda hadii ey dhulkaas ey iska galiyaan.

Ugu dambeeyntii  Guddomiye ku xigeenka Arimaha bulshada maamulka Degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe Muxudiin Maxamed Maalin ayaa tilmaamay  in Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Hirshabeele ay wadaan dadaalo lagu xalinayo xiisada si loo loo hergeliyo Dhismaha Garoonka diyaaradeed.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News