Koonfur Galbeed oo ka hadashay cunaqabateynta Al-Shabaab

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta si kulul uga hadlay cunaqabateynta Al-Shabaab ay ku soo rogtay magaalada Baydhabo oo xarun ku-meel-gaar u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Kulan ay maanta yeesheen xubnaha guddiga amniga ee Koonfur Galbeed ayay ka soo saareen go’aanno isugu jira kuwo ku socda ganacsatada iyo dadweynaha iyagoo ku dhawaaqay in dhowaan la bilaabi doono hawlgal lagu furi doono waddooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab.

Cunaqabateyntan oo muddooyinkan socotay ayaa sababtay in raashiinka iyo waxyaabaha daruuriga ay gaari waayaan magaalada Baydhabo, ka dib markii Al-Shabaab ay mamnuuceen gaadiidka badeecadaha sida inay gaaraan magaalada Baydhabo.

Qiimaha Raashinka daruuriga ah, dawooyinka iyo shidaalka ayaa la sheegayaa ay sare u keceen in ka badan labo jibbaar. Dadka ku nool Baydhabo ayaa noo sheegay in sheygii la iibin jiray hal doolar maanta lakala siisanayo saddex doolar.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee Maamulka Degmada Baydhabo, Isaaq Maxamed Cali, ayaa uga digay ganacsatada inay kordhiyaan sicirka cuntada daruuriga ah, isagoo sheegay in laga bilaabo maanta oo ah 15 Luulyo 2023 aan la aqbali doonin qiime kororka cuntada iyo waxyaabaha aas aasiga u ah nolosha dadka.

“Maalin kasta ganacsatada waxay sii kordhinayaan qiimaha cuntada. Waxaan uga digeynaa laga bilaabo maanta oo ah 15 bisha Toddobaad inaan taasi la sameyn karin,” ayuu yiri Guddoomiye ku Xigeenka Degmada Baydhabo.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Maxamed Isaaq Cabdi ayaa sheegay in waddada u dhexeysa Muqdisho iyo Baydhabo ay furan tahay, balse Al-Shabaab ay afka uun ku xayireen gaadiidka soo qaada badeecadaha ka yimaada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta Koonfur Gakbeed ee kulanka kasoo qeybgalay oo ay ku jireen saraakiil ciidan, wasiiro iyo mas’uuliyiin heer degmo ayaa ku dhawaaqay inay billaabi doonaan hawlgal ay ku sheegeen mid lagu furayo waddooyinka xiran.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News