MUQDISHO (KAAB TV) – Kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa lagu wareejiyay guddi ka kooban labada aqal.
Heshiiska ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka 27kii May ee sannadkan ayaa muran badan uu ka dhashay kadib markii la sheegay in qodobada ku jira qaarkood ay ka hor imaanayaan dastuurka ku-meel-gaarka ee dalka.
Kulanka maanta ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa ku xigeennada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka.

“Guddiga Dib-u -eegista iyo La Socodka higelinta Dastuurka ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran si ay uga baaran degaan, uguna baddalaan luuqad qanuun oo dastuuri ah, isla markaana u soo gudbiyaan fadhiyada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si ay iyaguna waajibaadkooda Dastuuriga ah uga gutaan,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Golaha Aqalka Sare.
Xildhibaan Xuseen Iidow oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ujeedku yahay in deg deg loo guda galo dib u eegista dastuurka taasoo uu sheegay inay muhiim u tahay dalka muddo dheerna soo jiitameysay.
“Guddoonka Labada Gole waxay nagu dhiirigeliyeen oo ay aad noogu booriyeen inaan hawshaas sida ugu dhakhsiyaha badan in guddiga uga hawlgalo, shaqada waajibaadka ah ee saaran laga soo qabto, sida nidaamku yahayna Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed dib loogu soo celiyo inta lagu gudajiro Kalfadhiga saddexaad,” ayuu sii raaciyay Xuseen Iidow.
Heshiiskii Golaha Wadatashiga oo ka kooban Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada waxaa horey u diiday siyaasiyiinta mucaaradka. Waxaa sidoo kale kasoo horjeestay Dowladda Puntland oo aan ka qeybgalin heshiiskaasi.
Toddobaadkii hore ayaa siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowladda Xasan Sheekh Maxamuud ku yeesheen Muqdisho 12kii – 13 Luulyo ayaa waxaa markale la isku fahmi waayay arrimaha ay ka mid yihiin muddo kordhinta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, wax ka beddelka dastuurka iyo sidoo kale isbeddelka nidaamka doorashada.