Hargeysa (KAAB) – Madaxweynaha Somaalilnad, Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay guddoomiyaha cusub ee loo doortay guddoomiyaha Golaha wakiillada, Yaasiin Xaaji Maxamuud.
Munaasabadd kooban oo kadhacday qasriga madaxtooyada ayaa guddoomiyaha cusub iyo guddoomiyaha golaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, ku-xigeennada golaha wakiillada, xildhibaanno Baarlamaanka katirsan, xubno katirsan xisbiga Kulmiye, qaar kamid ah golaha wasiirrada iyo marti-sharaf kale, ayey micneheedu ahayd hambalyo iyo bogaadin loo dirayey guddoomiyaha cusub ee hoggaamin doona golaha wakiillada.
Sidoo kale, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee golaha wakiillada, Cali Xaamud Jibriil oo isaguna madasha hambalyo kooban ka diray ayaa bulshada ugu baaqay inay midnimadooda ilaashadaan, guddoomiyaha cusubna la shaqeeyaan.
Dhanka kale, guddoomiyaha cusub ee loo doortay golaha wakiillada, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha iyo xildhibaannadii gacanta u taagayba u hambalyeeyey, waxana uu uga mahadnaqay sida ay mudnaanta gaarka ah u siiyeen.
Muuse Biixi Cabdi oo munaasibaddas koobaneyd soo xiray, ayaa u hambalyeeyey guddoomiyaha cusub ee la doortay, isaga oo guushiisa ku tilmaamay tallaabo weyn oo loo qaaday dhinaca nabadda gobolka Sool.