SO | EN

SO | EN

Al-Shabaab oo la wareegtay deegaan ay joogeen ciidanka dowladda

|

Goofgaduud (KAAB) – Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa maamulka Koonfur Galbeed iyo kooxda Al Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka  Goofgaduud ee duleedka Baydhabo.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa qarxay kaddib markii dagaalamayaal katirsan Al Shabaab weerar dhowr jiho ah ku qaadeen fariisimo ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku lahaayeen deegaanka Goofgaduud.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa dagaalka ku gaaray dhinacyada dagaalamay, waxaana adag in si rasmi ah loo ogaado inta ay la egyihiin khasaaraha labada dhinac kala gaaray.

Dagaalka Goofgaduud kaddib ayaa ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed isaga baxeen deegaanka , waxaana halkaasi la wareegay dagaalyahanno katirsan kooxda Al Shabaab.

Deegaanka Goofgaduud oo ah deegaan istaraatiiji ah lagana ilaaliyo magaalada Baydhabo ayaa mara badan Al Shabaab waqtiyo kooban la wareegeen, ciidanka dowladda ayaana qorsheenaya in deegaankaasi ku qaadaan weerar rogaal celis ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News