Muqdisho (KAAB) – Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ku-simaha R/Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda, Xasan Macallin ayaa looga hadley xaaladda amniga dalka, isla markaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka.
Golaha Wasiirada ayaa dhegestey warbixino ku saabsan guulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka soo hoyeen dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale, golaha ayaa cambaareeyay weerarkii Al-Shabaab ee ay ku beegsadeen Kuliyadda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.
Hasayeeshee, golaha waxa uu tacsi u diray umadda Soomaaliyeed, qoysaskii iyo eheladii ay ka shahiideen geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku shahiiday weerarkaasi, iyagoo isla markaana Allah uga baryey inta dhaawacantey inuu ilaahay deg-deg u caafiyo.
Dhanka kale golaha Wasiirada ayaa maan shirkooda toddobaadlaha meel mariyay hindise sharciyeedyo kala duwan.
1- Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.
2- Hindise Sharciyeedka Hay’adda Adeegga Baaritaanka iyo Sharciyeeynta Beeraha Soomaaliyeed.
3- Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.
4- Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Dhir-beereedka.
5- Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka
iyo Xeer Nidaamiyaha Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman.