MUQDISHO (KAAB TV) – Dagaal culus iyo duqeyn saaka bilaabatay ayaa weli ka socota magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Dagaalka ayaa xooggiisu ka socdaa aagga Xargaga iyo Maraaga oo ah duleedyada magaalada, halkaasoo ciidamada Somaliland oo horey looga soo riixay iyo dagaalyahanka SSC Khaatumo ay isku horfadhiyeen.
Saraakiisha maamulka Khaatumo ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland duqeyn ku hayaan magaalada.
Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland oo war qoraal ah soo saartay ayaa shaacisay in dagaalka uu bilawday xalay, uuna socda illaa maanta.
Somaliland waxay ku eedeysay kooxo ay ku sheegtay ‘argagixiso’ ka timid maamulka Puntland ee Soomaaliya inay kula dagaalameyso deegaanka duleedka Laascaanood.
Dhankooda maamulka cusub ee Khaatumo-SSC ayaa sheegay in ciidankoodu uu difaacanayo magaalada Laascaanood, iyagoo ku celiyay in Somaliland ay ciidankeeda kala baxdo deegaanka.
Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ayaan weli la ogeyn. Waxaase jira warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegaya saraakiil labada dhinac ka dhintay iyo qaar lakala qabsaday taasoo illaa hadda si dhab aanan loo xaqiijin.
Baaqyo hore oo kasoo baxay beesha caalamka laguna dalbanayey in la joojiyo dagaalka Laascaanood ayaa illaa hadda suuragalin.