SO | EN

SO | EN

Emmerson oo markale loo doortay madaxtinimada dalka Zimbabwe

|

Zimbabwe (KAAB TV) – Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa mar labaad loo doortay xilka madaxtinimada isagoo helay 52.6% codadkii la dhiibtay, sida ay sheegeen guddiga doorashada.

Sidoo kale, mucaaradka dalkaasi ayaa ku andacoonaya inay dhacday ku shubasho codadka oo baahsan waxaana goobjoogayaal caalami ah ay sheegeen in codbixintu ka hoos martay heerarka dimoqraadiyada.

Mr Mnangagwa waa madaxweynihii saddexaad ee Zimbabwe. Inqilaabkii 2017 ee ka dhanka ahaa hoggaamiyihii ruug caddaaga ahaa ee Robert Mugabe ayaa xilka loo dhiibay.

Dhanka kale, madaxweynaha dib loo doortay ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa soo jeediyay in qof kasta oo su’aal ka keenaya natiijadii doorashadii todobaadkii hore ay kiiskooda maxkamada u gudbiyaan.

Mnangagwa oo 80 jir ah ayaa ku guuleystey doorashada isagoo helay 52.6% codadkii la dhiibtay halka hogaamiyaha mucaaradka ee Isbaheysiga Citizens’s Coalition for Change (CCC) Nelson Chamisa uu helay 44%, sida uu sheegay guddiga doorashada Chamisa ayaa sheegay Axadii inaysan aqbali doonin natiijada.

Wuxuu sheegay in mucaaradka ay soo dhisi doonaan dowladda cusub, isagoo aan faahfaahin ka bixin.

Ma uusan ka jawaabin su’aalo la xiriira in xisbigiisa uu ka doodi doono natiijada maxkamada.

Waxa uu sheegay in uusan sugi doonin shan sano uuna  hadda isbedel yimaado Chamisa ayaa u sheegtay suxufiyiinta iyo masuuliyiinta xisbiga.

Laba kooxood oo goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in booliisku ay weerareen xarumahooda xogta ayna xireen shaqaale iyo mutadawiciin si aysan si madaxbanaan u xaqiijin natiijada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News