Dhuusamareeb (KAAB TV) – Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab ayaa farriin u diray ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada deegaanka, taasoo ku aadan inay sii xoojiyaan gulufka ay dhabarka uga jabinayaan argagixisada sida uu yiri.
Xasan Sheekh ayaa ciidanka dareensiiyey inay dagaalka ka soo bilaabeen dhul boqolaal Km ka fog degmooyinka iyo deegaanada todobaadkii hore la xoreeyey, haatana Al-shabaab ay marayaan maalmihii noloshooda ugu xumeyd, ayna dhawdahay waqtigii guusha wayn laga gaari lahaa.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ka hadlay dagaalkii u dambeeyey ee ka dhacay deegaanka Cawsweyne ee gobolka Galgaduud, kaasoo uu xusay in Al-shabaab dacaayad been ah ka samaysay, isagoo xusay in sida dhabta ah la ogaaday in 190 ka tirsan Al-shabaab dagaalkaas lagu dilay, kuwaasoo xabaal wadareed ay ku wada aastay, dhaawacoodiina ay dileen maadamaa aysan isbitaal u haynin, isagoo balan qaaday in dowladdu ay dib u baari doonto xabaal wadareedyada.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa dul istaagay la xisaabtanka kuwa la siiyey awood dowladeed ee masuuliyadooda khiyaamay ama ka gaabiyey inay xilkooda si hufan u gutaan.
“Kuwa ka shaqaynaya inay ciidanka tashwiish galiyaan ogaada waa Shabaab” ayuu yiri Madaxweynaha JFS.
“Dagaalku waa soconayaa ma istaagayo, meelaha aan joogno kama soo noqonayno, guusha kama dambaysta ah ee aan raadinayno waan gaaraynaa” ayuu yiri madaxweyne Xasaan Sheekh.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dowladda ay ka go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u midoobaan dagaalka lagu ciribtirayo al-shabaab oo ay ciidanka ku garab istaagaan xoog iyo xoolaba, si loo dhiirrigaliyo ciidanka, loogana guuleysto cadowga ragaadiyey horumarka dalka.