CARMO(KAAB TV) – Kiiska gabar yar oo la sheegay in lagu meheriyay magaalada Carmo ee gobolka Bari, ayaa waji cusub yeelatay, iyadoo aabaheed uu hadda ka jawaabay eedeyntii uu u jeediyay adeerkeed hooyadeed.
Gabadha oo lagu magacaabo Faadumo Xidig ayaa la sheegay in lagu guursaday nin da’ ah, sida uu sheegay adeerkeed Saciid Abshir Maxamuud.
Waxa uu ku andacoodey in gabadha oo uu ku adkeysanayo in ay sideed sano jir tahay, loo guuriyey iyada oo aan raali laga aheyn kadib markii ay geeriyootay hooyadeed.
Codsi qiiro leh ayuu Abshir ugu baaqay laamaha amniga iyo garsoorka Puntland inay soo farageliyaan waxa uu ku tilmaamay cadaalad darro weyn.
“Waxaan ka codsaneynaa madaxda dowladda, hay’adaha garsoorka iyo xuquuqul insaanka ee Puntland inay soo farageliyaan oo ay soo samata bixiyaan gabadhan yar ee laga soo kaxeystay oo hadda ku xiran guri ku yaala Carmo, arrintii waxaa lagu wargeliyay ciidamada booliska, balse ninkan ayaa si qarsoodi ah ugu heystay gurigiisa” ayuu yiri Siciid Abshir.
Si kastaba ha ahaatee Faadumo aabbeheed ayaa hadda la sheegay inuu ka jawaabay, taas oo ka hor imanaysa sheegashada seedigiis. Wuxuu sheegay in gabadhiisu ay 12 sano jir ah, uuna si bareer ah u guuriyay oday reer Carmo ah.
“Intii ay ku wareegi lahayd oo ay meelo kala duwan ku wareegi lahayd, waxaan go’aansaday inaan guursado ninkan, haddii aad aaminsan tahay in tani ay khaldan tahay, keen caddayn, anigu waxaan ku taaganahay go’aankeyga,” ayuu yiri Aabuhu.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in isaga iyo odayga ay isku afgarteen in Faadumo ay la joogto balse aysan guursan doonin ilaa ay ka qaan gaarto.
“Gabadhayda waxaan siiyey ninkan, waanan guursaday, heshiisku waa in marka ay caadada ugu horraysato ay u guurto gurigiisa.
Dhanka kale, Hay’adaha Garsoorka Puntland iyo Xafiiska Xuquuqul Insaanka ayaa si rasmi ah ula wareegay kiiskan, si ay u baaraan, go’aan uga gaaraan natiijada ka soo baxda xaaladdan xasaasiga ah ee Faadumo Xiddig oo ah gabar yar oo la guursaday inkastoo aysan qaan gaarin.
Dhacdadan oo si weyn loogu faaqiday baraha bulshada, ayaa dhalisay caro xooggan oo dadweynuhu ay aad uga caroodeen, iyadoo dad badani ay argagax iyo walaac ka muujiyeen guurka gabadhan yar.