SO | EN

SO | EN

Aabe Soomaaliyeed oo lagu dhex dilay saldhigga dharkeynley

|

Muqdisho (Kaab TV)– Aabe Somaaliyeed oo dil argagax leh loogu geystay saldhigga degmada Dharkenley marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Cabdulle Maxamuud Giriig oo 60 jir ahaa, kaas oo sidoo kale ahaa shaqsi si ween looga yaqaano xaafadda Kaawa Godey.

Sidoo kale marxuumka ayaa lagu soo waramayaa in laga soo qabtay goob ganacsi uu isaga lahaa halkaas oo ay ciidamada saldhiga dharkeynley kasoo qabteen.

Dhanka kale marxuumka ladilay ayaa dukaan yar kulahaa xaafadda Kaawo Godey, kadib markii ciidamada saldhiga dharkeynley ugu tageen goobtiisa ganacsi eyna weydiisteen lacago baad ah, balse uu kadhaga adeegay in uu bixiyo lacagta baadka ah ey jirdileen, sidoo kalana ey kexeesteen marxuum Xasan Cabdulle Maxamuud Giriig.

Mid kamid ehelada marxuumka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in walaalkiis ay dileen ciidamo ka tirsan kuwa booliska ee saldhigga degmada Dharkenley, wuxuuna sheegay in markii ay wateen kadib ay soo waceen, ayna u sheegeen in walaalkiis uu dhintay.

“Walaalkey sandaqadaan ayuu baraf iyo cabitaan ku iibinaayay meeshaan ayay ugu yimaadeen way wateen, kadibna cimaamadii watay indhaha ayey ka xireen wayna jir dileen nus saac kadib ay isoo waceen waxayna i dheheen walaalkaa waa dhintay” ayuu yiri.

“Taliyaha ciidamada Dharkenley ayaa dilay, laakiin waxay igu dheheen maxaabiis ayaa dishay anne waan ka diiday waxaas, waayo maxaabiista bir ma heystaan nin xabsi ku jiro maanta muxuu dili karaa”. ayuu hadalkiisa sii raaciyay marxuumka walalkiisa.

Sidoo kale gabar uu dhalay marxuum, Xasan Cabdulle Maxamuud Giriig oo si qiiro leh uga hadashay dilka aabeheeda ayaa sheegtay in ween ey uga naxday dilka aabeheeda.

“Qof muslim ah oo Aabihiis sidaas loo galaayo ma fiirsan karo anne waan ka xumahay, maadaama aan aabahey wax u qaban karin” ayay iyadana tiri marxuumka gabadhiisa.

Dhanka kale waxaa Warbaahinta lahadashay Marwada marxuumka ayaa iyadana sheegtay in marxuumka uu ifka uga tagay afar caruur ah wexeyna baaq udirtay dowladda Soomaaliya iyo laamaha ammaanka.

“Cadaalad ayaan u baahanahay ilmaheyga aabahood afar carruur ah iyo aniga ayuu ifka inooga tegay, hadda qaboojiye ayuu ku jiraa, iyagana inkiraad ayay wadaan” ayey tiri Marwada marxuumka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News