GAROWE (KAAB TV) – Wasiirka Difaaca Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa ku dhaliilay siyaasiyiinta Soomaalida inay daneysi ku shaqeeyaan isagoo tusaale u soo qaatay labo nin oo walaalo ahaa oo baahnaa, oo kadib mid ka mid ah uu heley malab geed dushiisa saaran oo keligiis uu cunay, halka midkii kalana uu billaabay inuu geedka salka ka gooyo.
Aadan Ducaale ayaa khudbad ka jeediyay caleemo-saarka madaxweyne Siciid Deni oo ka dhacay Garowe.