SO | EN

SO | EN

Aadan Madoobe: 275 Xildhibaan inaan ka wayno 140 waxa ay natusaysaa inaysan shaqo u socon

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo maanta ka hadlay fadhiga Golahaas ayaa sheegay in lala xisaabtamayo Xildhibaannada maqan fasax la’aanta.

Aadan Madoobe ayaa sheegay in si ay u gutaan shaqadooda loogana kaaftoomo kooram la’aanta la billaabayo dabagalka Xildhibaannada si caddaaladda ay ugu sinnaadaan Mudaneyaasha joogtada usoo xaadira iyo kuwa maqan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Waxa uu amaanay Xildhibaanno uusan shaacin Magacyadooda balse maalin weliba fadhiga xaadira si ay u gutaan waajibaadka Qaran ee saaran.

“xeer hoosaadkeenna waxaa ku qoran qodobka 23aad in Xildhibaan kasta uu soo xaadiro fadhiga Golaha shaqadu waxa ay billaabanaysaa 9:00 AM marka la gaaro 10:00 AM waxaa lagu dari jiray saacad, 275 Xildhibaan in aan ka wayno 140 Xildhibaan waxa ay natusaysaa in aan shaqo u socon, waajibaadka ina saaran waa isku mid, waxa aan billaabi doonnaa magac u yeeris oo la qoro dadka maqan si Xildhibaanka shaqadiisa ka maqan go’aan looga gaaro” Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).

Tiro Xildhibaanno ah ayaa ka maqan fadhiyada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo guddoonkoodu sheegay in aanay jirin cudur-daar rasmi ah ay ku maqan yihiin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News