SO | EN

SO | EN

Aadan Madoobe oo Baarlamaanka furay xilli mooshinno kulul ay soo ifbaxayaan

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa uu ka hadlay waxyaabihii Baarlamaanka u qabsoomay kalfadhigii afaraad Iyo shuruucda u qorsheysan ka shaqeyntooda kalfadhiga shanaad ee maanta furmay.

Inkastoo xildhibaannadu ay war saxaafadeed kulul soo saareen markii ay bannaanka uga soo bexeen furitaanka kalfadhigaya, ayaa haddana Sheekh Aadan Madoobe wuxuu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliyeed kalfadhigii lasoo dhaafay uu ka shaqeeyay shuruuc muhiim u ah horumarka dowladnimo ee dalka, waxaana uu tilmaamay in shuruucdaas dhamaantood ay ahaayeen kuwo shacabka Soomaaliyeed indhaha ku haayeen maadaamaa ay dowladnimadeena muhiim u ahaayeen.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabaha Golaha Shacabka u qorsheysan kalfadhiga shanaad ay ka mid yihiin xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa.

Dhinaca kale waxa uu Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka dalka ku amaanay garab istaaga ay u muujiyeen ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed Iyo dadka oo iska kaashanaya dagaalka dalka looga ciribtirayo Khawaariijta.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa xubnaha Baarlamaanka labadiisa aqal kula dardaarmay in ay kalfadhigan xooga saaraan ka shaqeynta shuruucda muhiimkau ah horumarka dowladnimo ee dalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News