Muqdisho (KAAB) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga u qaabilsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb. Souef Mohammed El-Amnie.
Sidoo kale, danjiraha oo marka hore ka tacsiyeeyay askartii lagu laayay weerarkii Al-shabaab ku soo qaadeen Xerada Tababarka Ciidanka Jaalle Siyaad ee magalada Muqdisho.
Dhanka kale, danjire Souef Mohammed El-Amnie ayaa guddoomiyaha warbixin ka siiyay shaqada ATMIS halka ay mareeyso iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
kulanka waxaa danjiraha ku wehlinayay taliyaha cusub ee Ciidamada Howlgalka nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya jeneraal Sam.
Ku-simaha Madaxweynaha JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa uga mahad celiyey Midowga Afrika dedaalka uu ugu jiro xoojinta nabada iyo dowladnimada Somalia.
Kulankan ayaa imaanaya iyadoo uu socdo qorshaha dhimista ciidanka ATMIS ee nabad ilaalinta ujoogo gudaha Soomaaliya, sidoo kale dowladda ayaa sheegtay dhamaadka bisha December ee sanadka 2024 in askariga ugu dambeeya ATMIS uu dalka kabixi doono.
Sidoo kale, waxaa jiro goobo badan oo ay horay ugu sugnaayeen ciidanka ATMIS ayaa waxaa lagu wareejiyay gacanta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyaa.