SO | EN

Aadan Madoobe oo shaaciyey qorshe ay wadaan isaga, Xasan Sheekh iyo Xamze

|

Muqdisho (Kaab TV) Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka hadlay mooshin ay xildhibaanada qaar keeneen golaha, si go’aan baarlamaani ah looga soo saaro xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood.

Xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Sool ayaa golaha shacabka hor geeyey qaraar ay ku dalbanayaan in go’aan laga soo saaro xiisadda Laascaanood oo noqotay qadiyad qaran, maadaama la isku heysto gooni u goosadka Somaliland iyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa dalbaday in arrintaas loo daayo madaxda ugu sareysa dalka oo meel fiican uu u marayo wadahadal u socda, kaas oo golaha uu ku soo celi doono go’aankii ka soo baxa.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa xildhibaanadii qaar ku qanciyey in isaga, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ay u fadhiyaan arrinta Laascaanood uu safar deg deg ah soo galay Madaxweynaha, isla markaana ay meel fiican wax u marayaan.

“Daraad aniga, madaxweynaha iyo r/wasaaraha ayaa ka fariisanay arrintaas, madaxweynaha ayaa safar naga aaday, wax kasta oo aan qaban karno looma kala haraayo, si dadkaas loo badbaadiyo, xildhibaanka deegaankaas ka yimid mas’uuliyadda saaran mid lamid ah ayaa anagana naga saaran dadkaas,” ayuu yiri Sheekh Aadan.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa xildhibaanada u sheegay in qadiyadda arrintaas aysan ayaga oo kaliya taabaneyn oo go’aan aad looga baaraan degay ay u baahan tahay, maadaama ay tahay qadiyad qaran, sida uu sheegay Sheekh Aadan Madoobe.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News