Xudur (KAAB TV) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Magaaladda Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ka daahfuray hanaanka isdiiwaangelinta doorashooyinka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Gobolka Bakool oo si rasmi ah maanta uga bilaabatay Magaaladda Xudur.
Sidoo kale, guddoomiye Aadan Madoobe ayaa qeyb ka ahaa dadka maanta iska diiwaangeliyay degmada Xudur, isagoona noqdii mas’uulkii ugu horeeyay ee iska diwaangeliyay gobolka uu kasoo jeedo.
Dhanka kale, Aaden Madoobe ayaa waxa kaakrkiisa is diwaangelinta guddoonsiiyay guddiga doorashooyinka madaxa bannaan, isagoona shacabka degmada Xudur kula dar daarmay in ay is diiwaangeliyaan si mustaqbalka ay codkooda ugu ciil baxaan.
Aaden Madoobe, ayaa sidoo kale guud ahaan shacabka ku nool deegaanadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed kula dardaaramay in ay qaataan kaarka aqoonsiga muwaadinimo.

Sikastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay si xowli ah ku waday is diwaangelinta doorashooyinka dadweynaha, taas oo hadda gaartay ilaa heer gobol, iyadoona muddooyinkii ugudambeeyay la arkaayay dad shacab ah oo si xoog ah lagu diwaangelinaayo.

