SO | EN

SO | EN

Aamina Cabduqaadir: Haweenkii dhisay dowladnimada Puntland ee Soomaaliya | Baraarug

|

GAROWE (Baraarug) – Inkastoo haweenka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo kaalin mug leh ka qaata bulshada qeybaheeda kala duwan, haddana markay timaado matalaadda siyaasiga ah waxaa weli jira caqabado ku horgudban haweenka guud ahaan Soomaaliya.

Dowladda Puntland oo la aas aasay 1998, ahna dowlad gobolleedka ugu waqtiga dheer, uguna weyn dowlad gobolleedyada Soomaaliya, ayay haweenku u ahaayeen bud-dhigayaal.

Baarlamaankii ugu horreeyay ee Puntland waxaa haweenka la siiyay illaa shan xildhibaan oo matalayay shanta gobol ee Puntland lagu aas aasay.

Hase yeeshee baarlamaanka maanta jooga ee Puntland, oo ah gole ay odayaal dhaqameedku soo xuleen kana kooban 66 kursi, waxaa maanta ku jira hal xildhibaan oo kaliya.

Aamina Maxamed Cabduqaadir oo ah cilmi baare ka tirsan Xarunta Cilmi-baarista iyo Horumarinta ee PDRC ayaa Baraarug uga sheekeysay kaalinta haweenka Puntland iyo dowlad dhiska.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News