JEDDAH (KAAB TV) – Dalka Yemen qeybo kamid ah, waxaa ka socda abaabul dagaal xooggan oo Mareykanka hormuud u yahay, kaa oo lagu doonayo in meesha looga saaro jiritaanka iyo awoodda kooxda Xuutiyiinta ee hadda maamusha qeybo badan oo kamid ah dalkaasi.
Sidoo kale, Mareykanka iyo xulafadiisa Carbeed ee aqoonsan dowladda taagta daran ee Yemen, ayaa hadda bilaabay abaabul dagaal oo ka dhan ah Xuutiyiinta, waxa ayna dowladda la aqoonsan yahay diyaarisay ciidamo badan oo qeyb ka noqda duullaanka ka dhanka ah Xuutiyiinta.
Dhanka kale, Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dawladda loogu yeero midda uu caalamka aqoonsanyahay ay qoratay illaa 80,000 oo askari, kuwaa oo qeyb ka noqon doona duullaanka cusub ee lagu qaadayo magaalooyin istaraatiiji ah ay maamulaan kooxda Xuutiyiinta Iran taageerto.
Mareykanka ayaana taageero dhinacyo kala duwan ah siin doona ciidankan dowladda Yemen u diyaarisay in ay la dagaallamaan Xuutiyiinta, Mareykanka iyo xulafadiisa ayaana horey duqeyo uga waday goobaha ay joogaan Xuutiyiinta, balse wax saameyn badan ah kooxda kuma yeelan duqeymahaasi.
Dowladda Sacuudiga, ayaa wararku sheegayaan in ay iska diiday inuu ku biirto dalalka taageeraya duullaanka la sheegay inay ku qaadayaan magaalada Xudeydah ee dalka Yemen, waxa ayna Sacuudiga