Laascaanood (Kaab TV)– Jeneraal Saleebaan Barre Geesood, oo ahaa taliye ku xigeenkii militeriga Somaliland ayaa shaaciyay inuu kasoo goostay ciidamada Somaliland, oo uu hadda ku sugan yahay magaalada Laascaanood, isagoo sheegay in dhibaatada heysata dadkiisa reer Sool uu u adkeysan waayay.
Jeneraalka oo wareysi gaar ah siiyay BBC ayaa sheegay in marar uu isku dayay in madaxda Soomaaliland uu kala hadlo in dadka reer Sool an wax dagaal ah lagu qaadin maadaama ay yihiin dad ay iyaga maamulkooda hayaan.
“magaalada Laascaanood waxaa 6-dii bishii February, ee sanadkaan 2023-ka. Waxaa ka socdo dagaal, kaas oo u dhaxeeyo dadka reer Sool iyo ciidamada Somaliland, dagaalkaas wuxuu geystay khasaare aad u fara badan, oo naf iyo maalba leh,”ayuu yiri Jenraal Saleebaan Bare Geesood.
Sidoo kale wuxuu sheegay in waxkasto uu kubixiyay in Soomaaliland ay dagaalka ka joojiso Dadkiisa reer Sool balse aan waxbo laga soo qaadin hadalkiisa,”waxaan go’aansaday inan kasoo goosto ciidanka Soomaaliland oo aan kusii jirin ciidanka Soomaaliland hada waxan u imid dadkayga iyaga ayaan wax walbo laqeybsan doonaa”ayuu markale yiri.
Dhanka kale wuxuu tilmaamay in dagaalka kasocda Laascaanood ay dad badan kudhinteen dad badana ay kudhaawacmeen, magaaladana la duqeeyay iyadoo duqeentaas ay geysatay bur-bur hantiyadeed iyo mid nafeedba,taaso oo sababtay in magaalada 90% dadkii daganaa ay kaqaxaan, waana sababta aan ugu soo goostay ciidanka Soomaaliland waayo waxaan rabaa in aan dadkayga dareenka iyo dhibka ay kujiraan aan laqeyb sado ayaan rabaa, ayuu yri Jeneraal Saleebaan Bare Geesood.
Dhanka kale wuxuu wax kataabtay taariiqdiisa, wuxuuna sheegay in Ciidankii dowladdii dhexe ee Soomaaliya inuu ka mid ahaan jiray, sidoo kale 10-kii sano ee lasoo dhaafay wuxuu sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Somaliland, sanadkii 1998-dii, wuxuu sheegay inuu lasoo shaqeeyay ciidamada Puntland, isagoo soo noqday taliyaha nabad sugidda iyo sirdoonka.
Jeneraal Saleeban Bare Geesood oo ka soo goostay Somaliland hadana katirsan ciidamada SSC ee Somaliland kula dagaalamaya gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood wuxuu sheegay in ciidankii burburay ee xoogga dalka Soomaaliya uu ku biiray sanadkii 1973-kii, wuxuuna tababarkiisa ugu horeeyey uu ku qaatay kuliyaddii Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.