Addis Ababa (Kaab TV) -Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa markii u horeysay sheegay in maamulkiisu uu isku dayayo inuu wada-hadal la yeesho jabhad sharci-darro ah oo inta badan ka hawl-gasha gobolka Oromiya.
Hadalkan Abiy Axmed ee ku saabsan inuu xiriir la sameeyo ciidanka Xoreynta Oromada (OLA) ayaa yimid iyada oo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu soo celiyo geeddi-socod nabadeed oo bishii November laga gaaray colaadda ka taagneyd waqooyiga gobolka Tigray, si loo soo afjaro dagaalka.
“Dawladdu waxay danaynaysaa in khilaafka (OLA) lagu xalliyo hab nabadeed. Dan kaliya ma ahan, ee sidoo kale waxaa la dhisay guddi loo xil saaray inay hormuud ka noqdaan geeddi-socodka nabadda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.
Abiy ayaa waxa uu intaas sii raaciyay “In ka badan 10 isku day iyo xiriir ayaa lala sameeyay (OLA)”. Sioo kale waxa sheegay inuu rajeynayo in Itoobiyaanku ay taageeraan geeddi-socodka nabadda.
Afhayeen u hadlay jabhadda oo la yiraahdo Odaa Tarbii ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in hadalka ra’iisul wasaaraha uu yahay “mid yimid wakhti aan munaasib aheyn oo xaqiiqada aan waafaqsanayn.”
Odaa Tarbii oo ka jawaabaya hadalka Abiya ayaa waxa uu yiri “10-ka isku day ee uu soo hadal qaaday ma ahayn isku dayo dhab ah oo uu kula xiriiray hoggaanka OLA.”

