Hargaysa (KAAB) waxaa wali kacsan xiisada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ka dib markii ay la macaamishay Itoobiya Somaliland oo uu madaxwayne ka yahay Muuse Biix Cabdi.
Itoobiya ayaa ku adkaysanaya in heshiis rasmi ay dhanka badda ah ay la gashay Somaliland oo sheegta in ay ka go’aday Soomaali inteeda kale hase ahaatee aysan helin wax aqoonsi ah.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in suurtagal ay tahay in todobaadkan magaalada Hargaysa ee gobolada Waqooyi uu booqan doono Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed .
Hadda waxaa magaalada Hargaysa ku sugan Ra’iisulwasaare ku xigeenka Itoobiya ahna Wasiirka arrimaha dibadda Demeke Makonon Hassan halkaas oo kulama uu kula qaatay madaxda Somaliland.
Lama oga in xubnaha hadda ku sugan magaalada Hargaysa hordhac ay u yihiin wafdi Abiy Ahmed ee la sheegayo in ay tagayaan magaalada Hargaysa si ay u dhaqan galiyeen heshiis beenedka ay la gashay Somaliland.
Waxa ay booqasho ku tagi doonaan wafdigan Berbera iyo magaalooyinka kale ee Somaliland sida ay sheegayaan wararka laga helayo Somaliland
Haddii Abiy Ahmed tago Somaliland waxa ay ka dhigan tahay talabaadii ugu adkayd ee uu qaado , tan iyo markii uu xumaaday xiriirka labada dal 1-dii January 2024
Hoos ka akhri qoraal Rashiid Abdi oo u ololeya arrimaha Somaliland uu ka qoray booqashada Abiy ee ku tagayo Hargaysa.