Addis Ababa (KAAB TV – Dowladda Itoobiya ayaa go’aan culus ka qaadatay safarada dibadda ee mas’uuliyiinta dowlad-goboleedyada iyo saraakiisha dowladda, iyagoo ku soo rogay xayiraad adag.
Sidoo kale, Hadda wixii ka dambeeya, wasiirrada xukuumadda iyo madaxda maamulada waa inay ogolaansho rasmi ah ka helaan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya si ay dalka dibadiisa uga safraan.
Dhanka kale, tallaabadan, ayaa loogu talagalay in lagu xakameeyo dhaq-dhaqaaq kasta oo siyaasadeed oo laga maleegi karo dibadda. Waxa kale oo ay dowladdu sheegtay in arrintani tahay qorshe lagu yareynayo safarrada aan muhiimka ahayn ee mas’uuliyiintu ku tagaan waddamada kale.
Dowlada Soomaaliya ayaa u baahan inay qaado tallaabo la mid ah tan Itoobiya si ay u xadido safarada macno darada ah ee madaxda maamul goboleedyada iyo wasiirrada xukuumada
Sikastaba, Waxaa jira hadal heyn ballaaran oo ah in mas’uuliyiinta qaarkood ay safarro joogto ah ku tagaan Nairobi, Istanbul iyo magaalooyin kale, iyaga oo inta badan u socda arrimo shaqsiyeed sida shopping-ka iyo nasasho maalmaha fasaxa & xitaa mararka qaarkood shirar ka dhan ah DF.