SO | EN

SO | EN

Abiy Axmed oo sheegay in Itoobiya ay dhawaan gaari doonto badda cas

|

ADDIS ABABA(KAAB TV) -Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa i sheegay in dalkiisa uu “sixi doono” khaladkii dhacay markii uu ka tanaasulay dekedda Casab ee dalka Eritrea, tallaabadaas oo sii hurisay xiisadda u dhaxeysa dalalka deriska ah.

Wareysi laga sii daayay telefishinka qaranka Itoobiya ee ETV 1-dii Sebtembar, Abiy wuxuu kaga hadlay baadi-goobka muddada dheer ee Itoobiya ay ku doonaysay inay badda cas ka gasho dekedaha Eritrea, kaas oo dhawaan dhaliyay khilaaf diblomaasiyadeed.

Kun sano, waxaan awoodin inaan ka faa’iidaysano webiga Niil iyo adeegyadii uu bixin lahaa. Sidoo kale, waxaan galnay Badda Cas 30 sano ka hor. Joogitaankaasi waxa uu ahaa dhawaan, shalay uun marka la eego taariikh ahaan,” ayuu yidhi Abiy, isaga oo ka hadlayay goob qurux badan oo u dhow biyo xidheenka Niil.

Waxa uu intaasi ku daray “Qaladkii shalay dhacay berri ayaa la sixi doonaa, mana aha arrin adag”.

Dabada ka riixaya Itoobiya ee ah in ay dib u soo ceshato marin badeed iyada oo loo sii marayo dekedda Casab ayaa dib u soo celisay xiisadii kala dhaxaysay Eritrea, kuwaas oo madaxdeedu ay hore ugu calaamadiyeen hindisaha “ajandaha sunta ah ee sheegashooyinka dhuleed.”
Hadalka ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay weli socdaan khilaafaadyo gobolka ka taagan oo la xiriira marin-biyoodka, marinnada dhaqaalaha, iyo xuduudaha, kuwaasoo sii adkeynaya xiriirka labada dal oo dagaal qadhaadh dhexmaray sannadihii 1998-kii ilaa 2000-kii.

Gelitaanka dekedaha Eritrea, oo ay ku jiraan Casab iyo Massawa, ayaa muddo dheer mudnaan istiraatijiyadeed u ahayd Itoobiya oo aan bad lahayn, taasoo hadda si weyn ugu tiirsan dekedda Jabuuti inta badan ganacsigeeda badda.

Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin sida ay Itoobiya u qorshaynayso in ay xaaladda ku saxdo, balse war-murtiyeedku waxa uu hoosta ka xarriiqayaa in dawladdu ay doonayso in ay ku fushato danaheeda dhaqaale iyo istiraatijiyadeed iyada oo lagu jiro xaalad qalafsan oo gobolka ah oo aan degganayn.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News