ADDIS ABABA (Kaab TV) – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo ka jawaabay su’aalo ay xildhibaannadu ku weydiiyeen fadhigii 3-aad ee kal-fadhiga 4-aad ee Golaha Wakiilada Itoobiya ayaa sheegay, inkastoo ay jiraan wada-hadallo, falanqeyn, shirqoollo iyo saadaal, baadi-goobka Itoobiya ee badda uu yahay mid run ah.
Abiy ayaa sheegay in Itoobiya oo yeelata deked iyo ciidan badeed maaha ajande cusub, mana aha mid loogu talo galay in lagu waxyeeleeyo madax-banaanida dalalka dariska ah ee Geeska Afrika.
“Waxa aan doonayo in dalalka Geeska Afrika, adduunka bari iyo galbeedba iyo dhammaan kuwa kaleba ay si niyadsami ah u fahmaan waa dantayada dhabta ah iyo dhibaatooyinkeenna,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Abiy ayaa ku dheeraaday sababta ay Itoobiya u doonayso inay ku hesho marin-badeed iyo deked ku taal xeebta badda cas, mawduucan dad badan soo jiiteen, buuqna ka dhaliyay tan iyo markii ugu horeysay ee uu dadweynaha uga faalloodo.
“Kuwa ka hadlaya Itoobiya damaceeda dekedaha xaggey jireen markii aanu dhisaynay ciidan badeed. Kuwaasi Youtube ma lahan miyaa,” ayuu yiri Abiy Axmed.
Ra’iisul wasaare Abiy ayaa u sheegay xildhibaannada Itoobiya in 30 sano ka hor ay Itoobiya lahayd mulkiyadda labo dekedood, xilligaasi oo Itoobiya dadkeedu gaarayey ku dhawaad 46,47 milyan oo qof, iyo dhaqaale gaaraya qiyaastii in ka badan 10 bilyan.
Wuxuu sheegay 30 sano ka dib, maqaamkii Itoobiya hoos loo dhigay lahaanshaha sababta ugu weyna ay tahay deked la’aan iyadoo isticmaasha labada dekadood ee Jabuuti iyo Casab ee Eritariya, iyada oo loo marayo shuruuc ganacsi iyo heshiisyo ay la gasho dalalka ay khusayso.
‘Jabuuti waa inay na fahamto’
Itoobiya waxay yareysay isticmaalka dekedda Jabuuti ka dib markii ay is afgaran waayeen iyo halka colaad ay dhexmartay Itoobiya iyo Eritariya.
Abiy ayaa muujiyay sida ay shacabka Itoobiya iyo dowladdaba uga mahadcelinayaan taageerada ay u hayaan shacabka Jabuuti ee ku aaddan in dekeddu ay noqoto mid ku habboon nidaamka ganacsiga, wuxuuna yiri “waxaan rabnaa in Jabuuti iyo kuwa kale ay fahmaan cabsida aan ka qabno”.
Waxa uu ku tilmaamay qodobka guracan ee juquraafi-siyaasadeed ee Geeska in ay tahay wax cabsi galinaya Itoobiya, waxaanu soo bandhigay xaaladaha “quwadaha waaweyn” ee adduunyada “maxaa yeelay waxay dhamaantood xeryo ciidan iyo saldhigyo ku leeyihiin Jabuuti.
Haddii ay quwadahan waaweyni ay colaad abuuraan, Itoobiya ayaa ah tan cabsida qabta, ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in dalalka Kenya, Tanzania iyo Koonfur Afrika aysan dareemi doonin cabsi la mid ah tan aan ka qabno xaaladahan oo kale taasoo keentay in uu hakad ku yimaado qulqulka shidaalka.
Waxa uu soo hadal qaaday wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsanaa weeraro gantaalo ah oo ka imaanaya Yemen, oo kaliya qiyaastii 28, 29 km ballarka badda u jirta Jabuuti. Haddii ay quwadaha waaweyn ee halkaas ku sugani ay xabbado ka bilaabaan xeryo dhinaca kale ku yaalla, waxay Itoobiya oo ah dal ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof ay ku qasbanaan doontaa barakac iyada oo aan wax doorasho ah helin.
“Xaaladdan oo kale ma aha qasab sababtoo ah dawladda Jabuuti waxay cadaadis ku saaraysaa Itoobiya,” ayuu yiri, laakiin duruufaha keenaya marin-habaabinta juqraafiyeed ee noocaas ah, iyo sababtoo ah quwadaha waaweyni waxay awood u leeyihiin inay meel fog ka toogtaan.
“Ma fiicna in la iska indho tiro xaqiiqooyinkan oo kale,” ayuu sii raaciyay Abiy hadalkiisa.
Marka la eego baahida loo qabo iskaashiga dalalka deriska ah ee Geeska Afrika, RW Abiy ayaa xusay in dadka Itoobiya ay ku dhimanayaan ka qeyb qaadashada dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ee Soomaaliya dhibka ku haya.
“Marka ay Itoobiya tiraahdo waxaa soo food saartay caqabado, dalalka deriska ah ee walaalaha ah waa inay weydiiyaan waxa caqabad ku ah Itoobiya.”
Dhawrkii sano ee la soo dhaafay dhaqaalaha Itoobiya wuxuu kor u kacay 20 laab, kobaca dadweynuhu wuxuu gaaray 120 milyan, laakiin xaaladda dhaqaale ee lagu dabooli karo kuwan koray maaha mid isku mid ah oo waa sii yaraanaya, ayuu yidhi, wuxuuna ka digay “waa arrin waqti ku xiran” ka hor inta aysan xaaladdan oo kale keenin dhibaatooyin.