Adis Ababa (KAAB ) Wasiirka arrimaha dibada Itoobiya oo ka hadlayay heshiiska is afgaradka ah ee Ra’iisulwasaare Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in heshiiskaas uu yahay mid dhaqan gal ah.
Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Mesganu Arga ayaa sheegay in heshiiska dhanka badda ah ee ay la galeen Somaliland micnahiisa uu yahay in ay dhankooda aqoosan yihiin madax banaanida Somaliland.
Hadalkan ayaa keeni kara inuu cirka isku sii shareero ,xiisada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo ahayd waligeedba soo jirtay .
Mesganu Arga ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisu ay Somaliland siinayso aqoonsi buuxa, islamarkaana uu kamid yahay qodobada heshiiska ay wada galeen.
“Tallaabada koowaad ee ay qaadeyso Ethiopia waa aqoonsiga Somaliland, si ay u hesho bad ay isticmaasho,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda, sida lagu baahiyay bogga BBC News Ahmaric.
Dowlada Soomaaliya ayaa dhankeeda si wayn uga soo horjeedsatay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo u yeedhay safiirkeedii Addis Abbaba
Heshiiska ay wada gareen Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxwayne Muuse Biix Cabdi ayaa waxa uu dhaliyay caro xoogan waxayna Dowladda Soomaaliya ka dalbatay itoobiya in ay joojiso fara galinteeda Soomaaliya.