MUQDISHO (Kaab TV) -Ciidanka Booliiska ee Saldhigga Xamar Jajab ayaa si xoog ah ku ka xeystay Wariyaha Shabelle Shukri Caabi Cabdi iyo Muuqaal Duubbe Cabdullaahi Cabdifitaax Siidoow, xili ay ku guda jireen sameynta sheeko ku saabsan barakicinta Shacabka ee ka socota Muqdisho.
Askartaan ayaa la sheegay in ay si aan wanaagsaneyn ula dhaqmeen wariyayaasha Shabelle islamarkaana ay qalabkii ka qaateen inta aysan xirin.
Sidoo kale Wariye Jacfar Maxamad Jimcaale iyo Sawir qaade Nuur Xasan Cali oo ka tirsan Kalsan Tv ayaa xiligan sifo aan sharci ahayn ugu xiran Saldhigga Dayniile ee hoostaga qeybta galbeed Xili ay ku guda jireen Howlahooda shaqo.
Maamulka Telefishinka Kalsan TV Ayaa sheegay in ay ka xunyihiin xariga loo geystay Howlwadeenadooda iyo is hortaaga Sharci darada ah ee lagu sameeyay shaqadooda.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Hassan Ali Khaire, ayaa war-saxaafadeed kulul ka soo saaray xarig iyo afduub uu sheegay in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula kaceen dhowr wariye iyo dhalinyaro Soomaaliyeed, isagoo si adag u cambaareeyay tallaabadaasi.
War-saxaafadeedka ayuu Khayre ku eedeeyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud inay maalin walba sii kordhinayso tacaddiyada ka dhanka ah shacabka, gaar ahaan saxafiyiinta, dhalinyarada iyo dadka barakacayaasha ah. Waxa uu sheegay in dowladda lagu eedeynayo falal ay kamid yihiin xarigyo sharci darro ah, caburin siyaasadeed, boob dhul iyo dhibaatooyin bani’aadamnimo oo saameeyay bulshada nugul.
Khayre ayaa sidoo kale ku dhaliilay dowladda sida ay ula dhaqmeyso warbaahinta madaxa bannaan, isagoo sheegay in xarigga wariyeyaasha uu qeyb ka yahay cadaadis sii kordhaya oo lagu hayo saxafiyiinta ka howlgala magaalada Mogadishu iyo guud ahaan dalka. Waxa uu xusay in xorriyadda saxaafaddu ay tahay tiir muhiim u ah dowladnimada iyo dimuqraadiyadda, islamarkaana aan la aqbali karin in wariyeyaal lagu xiro shaqadooda ama aragtidooda.
Bayaanka Khayre ayaa imanaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed iyo dhaliilaha loo jeedinayo dowladda Federaalka, gaar ahaan arrimaha amniga, xorriyadda hadalka iyo murannada la xiriira doorashooyinka iyo maamulka dalka. Ilaa hadda, dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah ugama aysan hadlin eedeymaha ku saabsan xarigga wariyeyaasha iyo hadallada kasoo baxay Xasan Cali Khayre.
Ra’iisul Wasaare Hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale War ka soo saaray Xariga Maanta muqdisho Loogu gaystay qaar ka mid ah Bahda Saxaafadda.
Waxaa uu si adag u cambaareyay xarigga xaq-darrada ah ee maanta loo geystay warriyaal ka howlgala Shabelle iyo Kalsan Tv Cabdullahi Cabdifataax Siidow, Jacfar Maxamed Jimcaale iyo Nuur Xasan Cali, kuwaas oo si nabad ah u gudanayey waajibaadkooda warbaahineed.
Xarigga wariyaashaas waa fal ka hor imaanaya xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta, isla markaana lid ku ah mabaadi’da dowladnimo, sharciga, iyo dimuqraadiyadda ayuu ku yiri” qoraalkiisa Ra’iisul Wasaare Hore Maxamed Xuseen Rooble.
Xaalada Soomaaliya ayaa had u muuqata mid sii xumaaneysa waxaana jira walaac xoogaan laga qabo madaxbannaanida warbaahinta Soomaaliya.

